Uncategorized

Jawaari oo laba qodob hor dhigay MD Farmaajo.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan Madaxweynaha Soomaaliya ay la qaateen guddi ka socday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ka koobnaa todobo xubnood.

Guddigaan ayaa la kulmay madaxweynaha waxaana la sheegay in ay u gudbiyeen fariin ay ka wadeen Guddoomiyaha golaha Shacabka Prof Jawaari taas oo xal u ah khilaafka Golaha ka dhax jira.

Xubno ka mid ah guddiga ayaa KNN la wadaagay in guddoomiye Jawaari ay ka wadaan aragti ku aadan xal u helida dhibaatada taagan iyo walaac uu ka qabo sawirka qaldan uu dalka ka bixinayo khilaafka Baarlamaanka taas oo ay jirtana aan sharciga lagu tuman iyo laba qodob oo kala ah.

1. In si daah furnaan ah cod qarsoodi ah loogu qaado mooshinka ka yaalo kadibna ay aqbal tahay natiijadii soo baxda balse ay goob joog ka noqdaan Beesha Caalamka, aqalka sare, Culimada, Haweenka iyo dhalinyarada.

2. In arinta lagu xaliyo qaab siyaasadeed iyo is faham iyadoo labada dhinac ay sameynayaan tanaasul, hadii ay socon weysana waxa uu ka digay in dalka dib loo celiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo aad uga walaacsan khilaafka Golaha shacabka ayaa la sheegay in uu wado dadaalo xoog leh waxaana la sheegay in qodobada qaar ay isku afgartayn isaga iyo gudiga si xal loo helo.

Madaxweynaha ayaa qqabili doona dhinaca kale oo aan wali xubnahooda warbaahinta usoo bandhigin balse la sheegay in ay magacaaban yihiin, waxaana kadib lagu dhawaaaqi doonaa natiijada kulamadii dhacay ee mooshinka Jawaari.