Somali News

Jen. Caanood”Anigu ma doonayo in aan goosto”

Muqdisho-KNN-Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ee ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali caanood oo maanta ciidan uu hogaaminayo ay la wareegeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxa uu beeniyay in uu la goostay ciidamada uu Marka ku qabsaday.

Jeneraal Caanood ayaa waxa uu sheegay in howlgal qorsheysan oo xilka qaadistiisa ka horeeyay uu magaalada Marko ku galay.

Waxa uuna gaashaanka udaruuray eedeyn aheed in uu doonayo jabhadeyn, taana waxa uu kasoo qaaday waxba kama jiraan.

Taliyahan awoodda badan ku dhex leh ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhawaad isbuuc ka hor waxaa laga qaaday xilka abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.