Uncategorized

Jen. Gorod: ‘Lacagta uu Maraykanku naga joojiyey saamayn naguma yeelanayso’

Gaalkacyo–KNN–Taliyaha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba kala socon eedeyn musuqmaasuq la xiriirta, taasoo keentay in xukuumadda Maraykanku ay ku dhawaaqdo inay joojisay lacagihii ay ku taageeri jirtay milateriga Soomaaliya.

Taa beddekeeda wuxuu sheegay Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod in dhaqaale ahaan ay iyagu isku tashan doonaan, wax saamayn ahyna aysan ku yeelan doonin.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay joojisay Saanaddii ay ku Taageeri jirtay Ciidamada Xoogga Sababo la xiriira Musuq Maasuq jira.

Waxaana sidoo kale hadalkaan uu imaanayaa Xilli Maanta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay sheegtay in Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ay tahay mid la aamini karo oo dagaal kula jirta Musuq Maasuqa la dagay Soomaaliya.