Somali News

Jen Tuuryare oo sheegay in isku day dil uu ka badbaaday, kadib rasaas lagu furay gaari uu la socday

Jen Cabdiraxmaan Tuuryare Taliyihii hore ee Nabad sugida Soomaaliya ee NISA oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in kolonyo uu la socday lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Taliye Tuuryare ayaa sheegay in ciidamada rasaasta ku furay gaarigiisa aaney aheyn kuwii degmada ka shaqeyn jiray, oo ay yihiin Ciidamo cusub oo la dhigay la geeyay xalay kuwaasoo lagu magacaabo Duufaan, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale Jen Tuuryare ayaa tilmaamay in weerarka lagu qaaday uu ahaa daandaansi si ula kac ah loo sameeyay, isagoona sheegay in isku day dil uu ahaa weerarka.

Hayeeshee Jen Tuuryare ayaa xusay in falka dhacay uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha dowladda, islamarkaana arrintan ay u baahan tahay in baaritaan lagu sameeyo.

Waxaa uu sheegay inuusan garaneynin sababta rasaasta loogu furay gaarigiisa oo la yaqaano.

Xalay ayaa magaalada Muqdisho waxaa isgoysyada qaar lagu arkayay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya