Somali News

Jeneraal Indhacadde oo shaki geliyey cidda dishay Jeneraal Galaal

Muqdisho-KNN-Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo kamid ah saraakiisha xoogga dalka ayaa shaki weyn ka muujiyay qaabka loo dilay Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii Hotel Afriik.

Jeneraal Indhacadde ayaa sheegay in dilkii Jeneraal Galaal uu ka aaminsan yahay in ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda ee soo afjaray weerarkaas.

Sidoo kale Jeneraal Indhacadde ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dilkii loo geystay Jeneraal Galaal, isagoo sheegay in hal xabad looga dhuftay qoorta, taas oo ku keentay shaki badan.

Sidoo kale Indhacadde waxa uu qiray in meydka Jeneraalka ay ag yaaleen meydadka laba dagaalame oo ks tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay Indhacadde u ekaa in meydkooda lasoo ag dhigay.

Hoos ka dhageyso

https://youtu.be/RrYavwCdbNI