Somali News

Jeneraal Odawaa iyo saraakiil kale oo kormeeray xerayaha qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya, Sawirro

Dhuusamareeb-KNN-Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanada Galmudug ayaa maanta  gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu xeradan kuwaa oo kujira diyaar garow sare  ee la dagaalanka cadawga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Al-Shabaab

Taliyaha ayaana kormeeray Xafiisyada Taliska iyo rugaha ciidamada Xoogga Dalka ee Magaalada Dhuusamareeb oo haatan ah Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga , saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdcasiis Cabdu;laahi Cabdi “Qooje” , Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed Warsame iyo Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad, cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay isagoo intaa kadibna dardaaran u jeediyay Ciidamadan.