Jigjiga-KNN-Xaalad degenaasho ah ayaa maanta laga soo sheegayaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, kadib dhoowr maalmood oo qalalaase uu halkaa ka taagnaa.
Guud ahaan magaalada wax shaqaaqo ah lagama soo warin, balse waxaa gaabis ku jira wali isu socodka magaalada.
Dadkii deganaa Jigjiga ayaa inta badan waxa ay ubaxeen gobolada kale ee kilinka shanaad si ay uga baxsadaan dhibaatada sii kordhi karta ee ka taagan magaalada Jigjiga.
Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay ciidanka Federaalka Itoobiya waxa ay ka qabteen magaalada, iyada oo laga cabsi qabo in arintaa owgeed uu xaalku kasii daro.