Somali News

Joe Biden iyo Netanyahu oo markii ugu horeysay wadahadlay.

Joe biden madaxwaynaha cusub ee wadanka Maraykanka ayaa markii ugu horeesay wadahadal dhanka qadka taleefanka ah layeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Aqalka Cad ayaa arintan xaqiijiyay kadib markii su’aalo dhawr ah laga keenay Joe Biden oo dib u dhigay fariin kaga timid hogaamiyaha Israel taas oo ahayd in ay yeeshaan wadashakaysi dhanka taleefanka ah.

Madaxwaynaha Maraykanaka ayaa wariyaal ku sugan Aqalka Cad u sheegay in isaga iyo Benjamin Netanyahu, ay wada yeesheen wadahadal qurux badan.

Wadahadalkan ayaana ah kii ugu horeeyay oo dhax mara hogaamiye ka socda iyo madaxwaynaha Maraykanka tan iyo markii uu xafiiska lawareegay 20’kii bishii hore ee Janaayo.