Somali News

Joe Biden oo markii ugu horeysay ka hadlay diidmada Trump ee guushiisa

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in diidmada Trump uu diiday in uu ogolaado in doorashada looga guuleystay ay tahay ceeb ama wax laga xishoodo.

Balse Biden oo tan iyo shalay xiriirro kala duwan la sameynayay hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin wax ka hor-istaagi karayo in uu xilka la wareego.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in ugu dambeyntii isaga ay raaci doonto guusha doorashada oo inta badan warbaahinta ay saadaalisay in uu ku guuldarreysan doono.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin natiijada dhammaan codadkii laga dhiibtay gobollada dalka, waxaana wali soconaya tirinta codadkii la dhiibtay. Natiijada rasmiga ahi ayaa la shaacin doonaa kaddib marka ergooyinka doorashada ay kulmaan 14 bisha Diseembar.

Madaxweynaha la doortay ayaa la weydiiyay waxa ay la tahay diidmada Trump uu diidan yahay in uu qirto in doorahada looga guuleytay.

“Waxay ila tahay uun wax ceeb ah oo laga xishoodo, waa marka aan dhab ahaan u hadlo,” ayuu yiri Biden.

Waxa uu intaasi raaciyay in arrintaasi ay dhaawac weyn u geysan doonto taariikhda madaxweyne Trump.

“Ugu dambeyntii, waa ay soo dhammaan doontaa marka la gaaro 20-ka Jananaayo,” ayuu yiri Biden, taa oo uula jeeday maalinta ay tahay in xilka loo doortay loo dhaariyo.