Somali News

Joe Biden oo ogolaaday in Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Mareykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa shaaciyay inuu oggolaaday codsi uga yimid Pentagon-ka oo ku saabsan in ciidamada Mareykanka dib loogu soo celiyo gudaha Soomaaliya si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab, waxaana sidaas shaaciyay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka.

Go,aanka Joe Biden uu qaatay ayaa ka hor imaanaya kii madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu ku gaaray in dhammaan ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Soomaaliya sanadkii 2020-kii.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa dib u habeyn ku sameyn doona ciidamadiisa ku sugan bariga Afrika, isagoo ku ku dhaqaaqi doonaa soo celinta joogitaankiisa Soomaaliya, waxaana uu kala  tashanayaa dowladda federalka Soomaaliya, sida uu sarkaalkani sheegay.

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in Soomaaliya ay dib ugu soo celin doonto 500 oo Askari oo ka yar tiradii hore u joogtay, iyadoo Pentagonku uusan soo celin doonin tiradii guud ee ciidamada Maraykanka ka joogay Soomaaliya ka hor xilligii Trump, tiradaas oo ahayd ilaa 750 askari.

“Waxaan aragnay, wax laga xumaado, caddeymo cad oo muujinaya in Al-shabaab ay damacsan tahay oo awood u leedahay inay beegsato dadka Mareykanka ah,” ayuu yiri sarkaalka.

Ugu dambeyn, Wuxuu xusay in kooxda Al-shabaab ay bariga Afrika ku dishay in ka badan 12-qof oo Mareykan ah sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku dileen saldhigga ciidamada Mareykanka ee dalka Kenya, waxaase uu Sarkaalka uusan xaqiijin in Biden uu fasaxay in la beegsado hoggaamiyeyaasha gaarka ah ee al-Shabaab iyo in kale.