Somali News

Joe Biden oo reer galbeedka ku boorriyay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku boorinaya wadamada reer galbeedka inay ka hortagaan saameynta sii kordheysa ee Shiinaha isagoo ka hadlay maalinta labaad ee shirka G7.

Madaxweyne Biden ayaa la filayaa inuu ku baaqo isbahaysi cusub oo ka hortagaya dhaqaalaha ay Beijing ku bixinayso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka soo koraya.

Mareykanka iyo xulafadiisa waxay Shiinaha ku eedeynayaan shaqo qasab iyo xadgudubyo kale oo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay gobolka Xinjiang.

Horaantii sanadkan, Mareykanka, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo Kanada waxay soo bandhigeen cunaqabateyn in la saaro Shiinaha. Cunaqabateynta, oo ay ku jiraan xayiraadaha safarka iyo xannibaadda hantida, ayaa lala beegsaday saraakiil sar-sare oo ku sugan Xinjiang kuwaas oo lagu eedeeyay xadgudubyo culus oo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhan ah Muslimiinta Uyghur.

In ka badan hal milyan oo Muslimiinta Uyghurs iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay ayaa la qiyaasayaa in lagu xiray xeryo ku yaal gobolka waqooyi-galbeed.