Sports

Jose Mourinho oo daafac ka doonaya Chelsea

Muqdisho-KNN-Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu laxiriiray daafaca Chelsea Kurt Zouma isagoo isku dayaya inuu keeno masraxa uu naamulo si uu u xoojiyo daafaciisa dhexe.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa u muuqda inuu diirada u saaran yahay United, iyadoo Mourinho uu si aad ah u baadi goobayo daafac dhexe.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Mourinho ayaa xiriir toos ah la sameeyay Zouma isagoo isku dayaya inuu ku qanciyo inuu kusoo biiriyo United.

Laakiin wargeyska ayaa sheegaya in Chelsea ay ka cago jiideyso inay iska iibiso daafacan dhexe.