Sports

Jose Mourinho oo ka hadlay kulanka kooxdiisa ay wajahayso Tottenham

Muqdisho-KNN-Tababaraha Manchester United Jose Mourinhoh ayaa caawa wajahaya kulan ka tirsan horyaalka Premier League kooxda Tottenham Hotspur.

United ayaa kulankaan la ciyaari doonta Spurs ka dib markii guuldarro 3-2 ah ay ka soo gaartay Brighton & Hove Albion kulankooda labaad ee Premier League ee isbuucii hore.

Tottenham, ayaa sidoo kale garaacday Newcastle United iyo Fulham labadii kulan ee ugu horeysay ay ciyaareen xili ay keeyiihiin lix dhibcood

United ayaa badisay kaliya labo jeer shantii kulan ee ugu dambeysay ee ay la ciyaartay Tottenham, laakiin Mourinho ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisu ay dhiirigelineyso inay natiijo wanaagsan soo bandhigto caawa maadaama hakad ay gashay kooxdu.

“Waa kulan weyn oo aan ka hortagayno koox ku jirta bandhig fiican, waa kooxdii ugu danbeysay ee seddex kulan oo aan la ciyaarnay wax guuldaro aanan kala kulmin” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports News.

“Waan ognahay waxa ay yihiin koox fiican, waana ognahay inay halkaan u yimaadeen hadafkooda ah inay guulaystaan”. “Waxaan u baahanahay inaan inagu guulaysano”.

Anthony Martial ayaa dhaliyay goolkii kaliya ee uu ka dhaliyay horyaalka Premier League ee Old Trafford marxaladii xili ciyaareedkii hore.