Sports

Jose Mourinho “Waa uu nala joogi doonaa David de Ge xagaaga soo aadan”.

Muqdisho-KNN-Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin fursad uu David de Gea kaga tegayo Old Trafford xagaaga soo aadan suuqa kala iibsiga markuu furmo.

De Gea ayaa sannadka ugu dambeeya ee qandaraaska uu kula joogo kooxda Masraxa Riyada ku ciyaarta, inkastoo kooxda ay fursad u heysato inay heshiiska u kordhiso ilaa xagaaga 2020.

Real Madrid ayaa weli lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqeyso xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo ku dhowaaday inuu u dhaqaaqo Bernabeu sannadkii hore ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiis uu kusii joogayo Man Untd.

27 jirkaan ayaa mar kale ku soo laabtay warar la isla dhexmarayay, laakiin Mourinho ayaa saxaafada u sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka malinimada axada ee ay la leeyihiin Arsenal inaysan jirin wax fursad ah oo ku aadan inuu baxo gool hayihiisa.

De Gea ayaa 17 kulan shabaqa ilaashaday 34 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan 2017-18.

Qalinkii:Aadam Aqyaar