Uncategorized

Jowhar oo lagu xiray Askari dilay qof shacab ah

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa xiray Askari ka tirsan ciidamada Milatariga dalka kaas oo wiil dhalinyaro ahaa ku dilay magaalada gudaheeda.

Askari la xiray ayaa dilay wiil dhalinyado ahaa xili ay ku sugnaayeen goob lagu qeybinayay Raashiin deeq ahaa oo laga keenay dalka Cumaan’ looguna talagalay in loo qeybiyo dadka danta yar ee ku nool magaalada Jowhar.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Booliiska ayaa sheegay in Askarigaan dilka geystay cadaalada la marsiin doono.

Sida ay tilmaamayaan dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegah in dilka uu yimid kadib markii Askar ka tirsaneyd ciidamada dowlada ay bilaabeyn inay boobaan Raashiinkii la qeybinayay.

Suuqyada magaalada Jowhar ayaa lagu iibiniyaa Raashiikaasi ay boobeyn Ciidamada dowlada’ ee loogu tala galay dadka danta yar.