Somali News

Jubaland oo maanta qabaneyso Doorashada Sedex kursi oo ka tirsan BJFS.

Muqdisho-KNN-Waxaa goordhaw lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ay ka ka dhacdo doorashada Saddex kursi oo kamid ah kuraas dhawaan Doorashadooda ay Shaaciyeen Guddiga doorashada Jubbaland kuwaa oo Doorashadooda lagu qabanayo  magaalada Kismaayo.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabka ayaa si dardar leh ugu socoto maamul gobaleedyada dalka, iyadoo shalay Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo lagu qabtay doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.