Somali News

Jubaland oo soo bandhigtay rag Al-Shabaab kasoo goostay

Afmadoow-KNN-Ciidamada maamulka Jubaland gaar ahaan Nnabad sugidda Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay soo bandhigeen labo nin oo dhalinayaro ah oo ay sheegeen in ay isaga soo baxsadeen Xarakada Al-Shabaab.

Ragaan ayaa Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Isxaaq Xasan Ibraahin oo 35 jir ah iyo Xasan Gamaadiid oo Gugii 30-aad Jirsaday.

Aar Sheekh Cali Taliyaha Nabad Sugidda Afmadoow ee Maamulka Jubaland oo Warbaahinta U waramay ayaa sheegay in ragan ay wateen Labo oo AK47 ah iyo rasaas.

Maamulka Jubaland ayaa tiro dhowr jeer ah waxa ay sheegeen in ay soo dhaweeynayaan dhalinyarada isaga soo baxsaneeysa Al-Shabaab.