Somali News

Taliye Cusub oo loo magacaabay Howlgalka Al-Shabaab ee Jubada Dhexe.

Kismaayo-KNN-Warqad ka soo baxday  Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu Magacaabay taliyaha howlgalka Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Jubbada dhexe.

Taliyaha xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa loo Magacaabay Gaashaanle Sare Axmed Jaamac Salaad.

Deegaanada ka tirsan Gobalka Jubada dhexe ayaa hada waxaa maamula xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhawaan Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoona Maal mahan booqanayay xeryaha ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo Militariga.

Halkan ka Akhriso Warqada.