Somali News

Jubbaland” Dad badan ayaan u qabanay dilalka iyo qaraxyada ka dhacay Kismaayo”.

Kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo saameyn ku yeeshay bulshada magaalada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay maamulka dagmada Kismaayo.


Cabdullaahi Maxamed Cabdi, oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay socdaan howlgallo ammaanka lagu xaqiininayo iyo baaritaanno la xariira kooxaha geysanaya falalka amni darrada ah.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in rag lala xiriirinayo Al-Shabaab lagu qabto howlgalada maalmahan ka socday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isagoona sheegay in dadka la qabtay dhamaantooda lagu xiray saldhigyada ku yaala magaalada, islamarkaana dhawaan maxkamad la horkeeni doono.