Somali News

Jubbaland iyo AMISOM oo kawada hadlay howlaha sugidda amniga doorashooyinka.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo booqasho ku yimid Jubaland.

Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugida amniga Doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgalada nabadgalyada lagu sugayo.

Sidoo kale Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu war bixiyay xaaladda Magaalooyinka Maamulka Jubbland Iyo Sida ay ciidamada Maamulka ay diyaar u yihiin inay xoojiyaan dagaalka kadhan ah Alshabaab.

Ugu Dambeentii Madaxweynaha Jubbland Iyo saraakiisha ka socotay Amisom ayaa isku af gartay iney si wada jir ah ugu qeyb qaataan sida alshabaab gabi ahaaba looga saari lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaaan .