Somali News

Jubbaland iyo Puntland oo ka maqan shir ka furmay Muqdisho

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra”iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamulada K/galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, marxalada kala guurka ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacaya ee aanan wali lagu heshiinin waqtigeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka sidoo kale looga hadlaayo rabshadahii dhawaan ka dhacay caasimadda dalka ee dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan hadda ka soconaya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe aaysan wali soo gaarin magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay iney uga baaqdeen safarkooda sababo la xiriira rabshadahii dhawaan ka dhacay Muqdisho.