Somali News

Puntland iyo jubbaland oo sheegay in aan lagu matalin shirkii Dhuusamareeb 3

Muqdisho-KNN-Dowladd goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo shalay lagu soo gabagabeeyay caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen labadan maamul ayaa waxa ay ku sheegeen in qodobada shirkaa ka soo baxay ay ku kooban yihiin madaxda shirka ka qeyb gashay oo aysan iyagu quseyn.

“Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxaa ay caddeynayaan ineysan qeyb ka ahayn, laguna matalin shirka Dhuusamareeb ka dhacay”.

Madaxweynayeesha Puntland iyo Jubbaland ayaa war-saxaafadeedka soo saaray, markii ay 21 Augusto 2020 khadka teleefoonka ku yeesheen shir ay diirada ku saareen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhamaystiran.