Uncategorized

Jubbaland iyo Puntland oo xaqiijiyay in ay ka qeyb galayaan shirka maanta ka furmaya Muqdisho

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa sheegay in qorshaha ka qeyb galka shirka ee dhankooda uusan waxba iska badalin.

Sidii horey -ba loogu heshiiyay in 20 bisha la isugu tego qorshaha siduu ahaa jadwalku waa sidiisii, xageyaga wax iska badalay ma laha, waxaana nooga qorshaysan in laga qeyb galo haddii alle idmo, ayuu yiri madaxwayna ku xigeenka Jubaland.

Dhanka kale afhayeenka madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyay inay shirka maanta ka furmaya Muqdisho ay qeyb gali doonaan.

Shirarkii horey u dhexmaray madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe ayaa natiija la’aan ku soo dhamaaday.

Shirkan ayaa waxaa uu shirarkii ka horeeyay ee arrimaha doorashada uu kaga duwan yahay in rai’sul wasaaraha dowladda Fedaraalka Maxamed Xuseen Rooble uu qabanqaabadiisa leeyahay islamarkana loo xil saaray in uu qaato masuuliyadda arrimaha doorashada iyo amniga.