Somali News

Jubbaland:-kama qeyb galeyno shirka golaha amniga qaranka

Muqdisho-KNN-War qoraal ah uu soo dhigay Bartiisa Twitterka Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirse ayaa waxaa uu si kooban ugu hadlay Shirka golaha Amniga Qaranka ee uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka waxaa uu sheegay in aysan Jubbaland ka qeyb gali doonin shirka golaha amniga,ee bishan dhexdeeda ka furmaya Magaalada muqdisho,islamarkaana lagu casuumay dhamaan madaxda Maamul gobaleedyada.