War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay dacwad ka gudbiyeen wakiilka midowga afrika u qaabilsan arimaha soomaaliya Amb. Francisco Madiera.
Qoraalka Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Amb. Francisco Madiera uu lumiyay kalsoonidii iyo dhexdhexaadnimadii, isla markaana wax laga xishoodo ay tahay in dibloomaasiyiinta howlgalka midowga Afrika ay faragalin ku sameyn karaan siyaasada qabiilooyinka Soomaaliyeed ee heerkaan ka jira.
“Waqtigii ay socotay doorashada Maamulka Jubaland, Ambasadoor madera wuxuu qeyb Ka ahaa dedaaladda xalinta khilaafkii Ka dhashay doorashadda , markii la xaliyay ma aqbalayno in lagu tilmaamo hishiis qabiil , taas noqonaysa mid anshaxa Ka fog “
Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera oo dhawaan ka hadlayay Shirkii Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu heshiis la gaaray Xubno kamid ah Mucaaradka kasoo jeeda Beesha muhiimna ay tahay in Beelaha kale uu la hehsiiyo taasi oo ka careeysiisay Xildhibaan Xidig.
