Uncategorized

Jubbaland oo dib u dhigtay Maxkamadeynta Askari horay u dilay Xaaskiisa

Kismaayo-KNN-Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in ay dib u dhigeyn maxkamadeyna Askari ka tirsanay ciidamada maamulka Jubbaland oo horay u dilay Xaaskiiska 14-kii bishaan Abriil.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid Maxkamadeynta Cabdulaahi Asad Ismaaciil oo horay u dilay Xaaskiisa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kiisaska Maxkamada la horkeenay aysan soo dhameystirmin, sidaas daraadeedna aysan haynin caddeymo ku filan.

Waxay maxkamadda sheegtay in la isku soo laaban doono 15-ka bisha May ee soo socota lana gudageli doono dhageysiga dacwadda.