Somali News

Jubbaland oo digniin u diray ciidamada ammaanka.

Maxamed Sheekh Cismaan Xeer ilaaliyaha guud ee  maamulka  Jubbaland  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay fal dambiyeed ka dhalan kara shaqsiyaadka loo xiro kiis dacweedyada kala duwan ee tuhunka ah, kuwaas oo ku jira saldhigyada.

Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa uu digniin  culus uu u diray Ciidamada  Nabad sugida iyo kuwa  Booliiska maamulka Jubbaland, kuwaasi oo  gacanta ku haya  kiisaska dadka looga shakisan yahay ee lagu soo qabto howlgalada ay sameeyaan ciidamada ammaanka.

Sidoo kale Xeer ilaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ka dhan kara dadka xabsiyada lagu hayo waqti dheer oo aan loo heysan warqad Maxkamadeed.