Somali News

Jubbaland oo dowladda dhexe ku eedeysay xaalad bini’aadanimo oo ka jirta goboladeeda

Kismaayo-KNN-Deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland xiligaan waxay wajahayaan xayiraado dhan walba leh, waxaana tii hawada ee horay ay dowladdu u saartay ugu darsamay roobab xoog leh oo jaray isu socodka gaadiidkii u kala gooshi jiray deegaanada maamulkaas, iyadoo aysan haatan jirin diyaarado isaga kala gudba magaalooyinka waaweyn ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay dadka reer Jubbaland ay wajahayaan xaalad bani’aadanimo tii ugu dareyd.

Waxa uu sheegay in wadooyin hal bowlaha ahaa ay biyaha roobku jareen, sidoo kale madaxweyne ku xigeenku ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay u soo gurmato iska daaye ay cuna qabateyn ku ilowday degaanada maamulka Jubbaland.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Kismaayo Cabdi-Majiid Cabaas Aadan ayaa warbixintaan ku eegaya: