Somali News

Jubbaland oo eedeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu si kulul u eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay madaxweyne ku xigeenka in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ka wado degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, islamarkaana arintaasi ay keeni karto in halkaasi ay colaad ka bilaabato.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in ay ka badbaadeen dhowr shir qool oo ay u dhigtay dowlada soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne ku xigeenka koowaad Jubbaland  iyo wafdi uu hogaaminayo ay si qarsoodi ah ku tageen gobalka Gedo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne ku xigeen uu hada ku sugan yahay inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa  la sheegay inuu hada kulamo ka bilaabay gobolka gedo, isgoona kulankaasi la qaadanayo Saraakiil ka tirsan ciidankii Jubbaland ka goostay ee ku biiray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo laga dalbaday in ay ku soo laabtaan Jubbaland.