Somali News

Jubbaland oo faahfaahisay khasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay roob dabeylo watay

Kismaayo-KNN-Mamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday khasaare hor leh oo ka dhashay  dabaylo roob watay oo maalmihii dambe ka da’ayey xeebaha gobolka Jubbada hoose,  gaar ahaan deegaanada ku teedsan badweynta Hindiya iyo wabiga Jubba

Inta la ogayhay waxaa dabeylahaas ay geysteen khasaare iskugu jiro dhiamsho iyo dhaawac iyo burbur hantiyeed

12-qof ayaa ku geeriyotay dabeylahaas 8-qof oo kale ayaa sidoo kale lagu la’yahay nolol iyo geeri toona, halka ku burbureen 12 doomo kalluumeysi ah.

Deeganada ay qasaraha dhimshada ay ka dhacday ayaa kala ah Goobweyn Jamaame iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga Jubbland Ibraahim Cabdi Xasan ayaa warbaahinta u sharaxay khasaaraha ka dhashay dabeylahaas roobabka watay.

Weriyaha KNN Yoonis Duraan Cali ayaa warbixintan nooga diyaariyey.