Somali News

Jubbaland oo ka digtay in la fara geliyo Doorashooyinka.

Kismaayo-KNN-C/rashiid Xasan Janan Wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aysan dooneyn in faragelin lagu sameeyo deegaanada uu ka aramiyo maamulka Jubbaland marka la gaaro xiliyada doorashooyinka ay dhacayaan.

Wasiir Janan ayaa kaga digay cidii la timaada faragelin lagu sameysa maamulka jubbland ay dib ugu celin doonaan halka ay ka yimaadeen marka hore islaamrkaana aysan ogalaaneyn qalaanqal siyaasadeed ee ka timaadaa meel ka baxsan jubbland.

Arintaan ayaa timid kadib markii  Doorasahda ka dhici doonta koonfur galbeed soomaaliya lagu sheegay in faragelin lagu hayo hayeeshee musharaxiin lagu sheegay inay wadato dowladda lageeyay baydhabo kuwaasi oo lagu tilmaamy in lagu bixinayo lacago badan.