Somali News

Jubbaland oo ka hadashay derbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka labada dal

Kismaayo-KNN-Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, oo ku sugan Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo la xiriira derbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka  Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Baledxaawo waxa uu ugu baaqay in ay is dajiyaan, isagoo sheegay in xal ka gaarista arrinta xadka ay ku jiraan madaxda maamulka Jubbaland, Dowladda dhexe  iyo Dowladda Kenya oo wada hadalkoodu uu socdo.

Dhowr Todobaad ka hor ayaa Shacabka ku nool degmada BaladXaawo ee Gobolka Gedo waxaa ay burburiyeen dhismo ay Kenya ka bilaawday halkaasi.