Somali News

Jubbaland oo ka hadashay war murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3

Muqdisho-KNN-Maamul gobleedka Jubbaland ayaa ka hadlay war muriyeedkii laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay mawqifka Jubbaland ee Shirkii Dhuusamareeb 3.

Waxa uu sheegay madaxweyne ku xigeenku in Jubbland ay la socoto waxyaabihii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Wax uu sidoo kale tilmaamay in Jubbaland aysan cadayn karin ilaa iyo hadda go’aankeeda ku aadan war muriyeedkaasi ay soo saareen madaxdii shirka ka qayb galay.

Waxa uu intaa ku daray in ay dib uga fiirsan doonto Jubbaland go’aanka ay ka qaadanayaan qodobbadii Shirkaasi,uuna noqon doono mid ay ka fiirsan doonaan.

Waxaa xusid mudan in Jubbland ay qaadacday Shirka Dhuusamareeb 3 ka qayb gelitaankiisa.