Somali News

Jubbaland oo ka war bixisay howlgal lagu dilay xubno Shabaab ah

Kismaayo-KNN-Dowlad goboleedka  Jubbaland ayaa ka warbixisay howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ciidamada Jubaland ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubadda Hoose.

Cabdinuur Ibraahim  oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubaland  oo la hadlay  Warbaahinta magaaalada Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalladaasi.

Af-hayeenka ayaa sheegay in howlgaladaas ay ciidamadu ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab isagoo  tilmaamay in ciidamadu kula wareegeen saanad militeri oo badan.

Howlgalka ayuu sheegay inuu ka dhacay deegaanada Yaaq Bishaaro, Cabdalla Biroole iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.