Somali News

Jubbaland oo mar kale DF ku eedeysay inay sharci darro ka wado G/Gedo

Kismaayo-KNN-Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalku ay gobolka Gedo ka abuureyso jahwareer siyaasadeed oo aad u xun.

Sidoo kale Wasiir Darwiish ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ee dabada ay ka riixeyso dowladda federaalka inay yihiin kuwo sharciga baalmarsan, waxuuna sharci darro ku tilmaamay in xil ka qaadis lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo.

Darwiish ayaa sheegay in Jubbaland ay aqoonsantahay guddoomiyeyaashii ay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland u magcowday degmooyinka gobolka Gedo, isaga oo mid aan sharci aheyn ku tilmaamay maamuladii ay dowladda federaalku dhawaan u magacawday degmooyinka gobolkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish ayaa dowladda federaalka uga baaqay inay ka fiirsato arrimaha ay ka wado gobolka Gedo, si gaar ah wasaaradda arrimaha gudaha heer federaalka ayuu ka dalbaday inay arrimaha gobolkaas wax ka bedesho.