Somali News Uncategorized

Jubbaland oo shan shardi ku xirtay ka qeyb galka shirka Muqdisho

Dowlad Gobolleedka Jubbaland ayaa sharuudo ku xirtay ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee ka socd Muqdisha, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in iyadoo hore uu u jiray khilaaf dhanka doorashada ah, haddana ay timid shaqaaqadii ka dhacday magaalada Muqdisho ee dhexmartay dowladda Soomaaliya iyo midowga musharixiinta.

Jubballand ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay garowshiyo ka bixiso shaqaaqadaasi.

Sidoo kale waxaa ay ku baaqday in shirka ka socda Muqdisho ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo la ballaariyo.

Hoos ka akhriso