Somali News

Jubbaland oo sharci daro ku tilmaamtay ansixinta golaha adeega garsoorka

Maamul goboleedka  Jubbaland ayaa ka soo horjeystay guddiyadii ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya ee dhawaan ay kalsanoodii ay kala laabteen xildhibanadda golaha shacabka sida midka golaha adeega garsoorka

Waxaa ay sheegeen in xilligan aanay habooneyn ansixinta guddiyadaan,  maadaama golaha wasiirada ay yihiin kuwa si hayaal ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in golaha adeega garsoorka uu yahay mid muhiim u ah dalka, balse hataan dad gaar ah loo xulay, iyadoo aan lala tashan qeybihii ay qaabilsanayeen sida xafiisyada maxkamada sare xeerilaalinta ururka qareenada soomaaliya  iyo bulshada rayidka.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in arintaan ay walaac ku heyso, islamarkaana ay  sharci daro  tahay.

Dhinaca kale Madaxweyne Maxamuud Sayid Aadaan ayaa golaha shacabka iyo kan aqalka sare ka dalbaday in ay ka fiirsadaan guddiyaan ay soo ansixiyaan golaha wasiirada soomaaliya oo ah kuwa haatan xilalka sii haya.