Uncategorized

Jubbaland oo sheegtay in aysan ka qeyb gali doonin Shirka arimaha Dastuurka ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Wasaarada Datuurka, Cadaalada iyo Arimaha Diinta ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlaya arimaha Dastuurka oo maalinta berri la filayo in uu ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka, inkastoo uusan caddeynin sababta ka dambeysa in ay ka qeyb gali waayaan shirkaasi.

Wasaaradda dhilinyarada iyo ciyaaraha ee maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in ay xariirka u jartay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowlada dhexe kadib markii eedeeymo ay u soo jeediyeen.

Dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin eedeeymaha loo soo jeediyay ee ugu imaanaya maamul goboleedka Jubbaland.