Somali News

Jubbaland oo sheegtay in ay u diyaar garowday Dagaalka Al-Shabaab.

Kismaayo-KNN- Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen Afhayeenka laamaha amniga ee Maamulka Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu faahfaahiyay abaabulka dagaal ay jubbaland ka wado deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalada Jubooyinka.

Waxaa uu sheegay in la diyaariyay ciidamadii ugu badnaa ee dagaalamayaasha Al-Shabaab ka saari lahaa deegaanada ka tirsan Gobalada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Afhayeenka oo hadlayay ayaa shaaca ka qaaday abaabulkii ugu weynaa uu socda deegaanka Afmadow ee Gobalka Jubada Hoose.

Jubbaland ayaa doonaysa in ay Al-Shabaab  kala Wareegto degmooyin muhiim ah oo ay maamulaan Al-Shabaab oo ku yaala Jubooyinka sida Bu’aale, jilib, Jamaame iyo deegaano hor leh.

Maalmo ka hor Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in la bilaabi doono Howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.