Somali News

Jubbaland oo sheegtay in la diyaariyay ciidamo ilaaliya amniga ergooyinka soo xulaya Baarlamaanka

Wasiirka Amniga dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, si ay ugu hortagaan weerarada Al-shabaab ay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi.

Mr Dhuumaal ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen ciidamo suga amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa balanqaaday in ay ilaalin doonaan amniga ergooyinka soo xulaya xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in muddo lix bilood ah ay Al-shabaab ugu saari doonaan deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xili magaalada Kismaayo la filayo in ay ka dhacaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya