Somali News

Jubbaland oo sheegtay in RW Rooble ku garab taagan tahay hogaaminta doorashooyinka dalka.

Kismaayo-KNN-Axmed Maxamed Islaam Madoobe Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka mar uu khudbad dheer ka jeediyay madal-dadwayne oo ka dhacday magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka doorashooyinka, isagoo sheegay in uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku garab taagan yahay in dalka laga hirgeliyo doorasho oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin.

Wuxuu yiri “Ra’iisul Wasaaroow, masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin”

Sidoo kale Wuxuu soo hadal qaaday heshiisyadii la wada galay isagoo yiri ” Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax banneeyo shaqadiisa” ayuu yiri .

Wuxuu ugu dambeyn  ka hadlay Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil oo ku maqan gacanta Hay’adda NISA sida ay hore u sheegeen qoyskeeda, waxaana uu tilmaamay in laga maarmaan ay tahay in gabadhaasi ay hesho cadaalad ka maran gacan bidixeyn.