Somali News

Jubbaland oo sheegtay in saraakiil Shabaab ah lagu dilay duleedka Cabdalla-Biroole

Kismaayo-KNN-Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55-KM dhanka bari uga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay KNN u sheegeen in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan, isla markaana lagu dilay dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa tuulooyinka howlgalka laga fuliyey.

Saraakiisha ayaa  sheegay in howlgalkaas ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi aysan magacooda warbaahinta la wadaagin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan tuulooyinka hoos taga deegaanka Cabdalla Biroole oo ay maanta ciidamadu howlgalka qorsheysan ka fuliyeen.

Warkaan kasoo baxay saraakiisha  ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku aadan inay howlgal ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, ayaanan weli jirin cid ka madax-banaan oo xaqiijisay, welina wax war ah uu ku aadan howlhalladaas ay guulaha ka sheegteen ciidamada Jubbaland kama soo bixin Al-Shabaab.