Uncategorized

Jubbaland oo sheegtay inuu dib u dhacay Shirkii Magaalada Kismaayo

Kismaayo–KNN-– Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Shirkii Maanta oo axad ah ka furmi lahaa Magaalada Kismaayo Ee u dhexeeyay Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada.

Afhayeen Mamaulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax ayaa Xaqiijiyay in Dib u dhac uu ku yimid Shirkii Maanta oo axad ah Magaalada Kismaayo uga Furmi lahaa Madaxda Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira,kuwaada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Shirku uu u baaqday Madaxdii Maamul Gobolleedyada ee ka qeyb galilahaa oo aan soo dhameystirmin,waxaana uu Xusay inuu Shirku qabsoomi doono Maalmaha soo socda,inkastoo waqti cayiman uusan sheegin.

Magaalada Kismaayo Ee xarunta KMG Jubbaland ahna Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno ka kala socda Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe,inakstoo Madaxweyneyaasha Puntland,Galmudug iyo Hirshabelle aysan joogin Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa shirkaan ku dhawaaqay inuu Kismaayo ku qabanayo Ujeedkiisuna yahay in lagu dhex dhexaadiyo Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada,inkastoo Dowladda Federaalka aysan wali cadeyn Mowqifkeeda ku aadan Shirka Kismaayo.