Somali News

Jubbaland oo si kulul u eedeysay Dowladda Dhexe

Kismaayo-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa waxaa si kulul loo eedeeyay  dowladda Federaalka Soomaaliya , iyadoona lagu eedeeyay in ay faragelin  ku heyso Arrimaha jubbaland iyo khalqal gelinta dhinaca Amniga kadib dagaal shalay ka dhacay  garoonka maagalada  Kismaayo , kaasi oo u dhexeeyay Musharax Madaxweyne Cabdi Naasir Seeraar iyo Ciidamada amaanka  Jubbaland.

Qoraalka JUbbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dhibaatadii ka dhacday Garoonka  diyaaradaha Magaalada Kismaayo ay eedeeda leedahay Dowladda dhexe,isla markaana ay taasi cadeyn u tahay khalqal gelinta amniga ay dowladda Soomaaliya ka wado deegaannada maamulka Jubbaland.

Warka ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa baaq loogu diray Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyadoona jubbaland ay sheegtay in  iyada oo lagu guda jiro soo xulista Xildhibaannada iyo diyaar garoowga doorashada Madaxtinimada Dowlad goboleedka Jubbaland arintan ay dhacdo ay aad ugu xun yihiin.