Maxamuud Sayid aadan Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay si kulul u cambaareeyeen Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, kaas oo ay sheegeen in uu gef u geystay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.
Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ku milmay Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isaga oo sigaar ah u magacaabay Beel Soomaaliyeed,isla markaana aaney aheyn mid sax ah.
Dowladda federaalka iyo Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayuu ugu baaqay inay dib u eegis ku sameeyaan hadalkii Francisco Madeira.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankiisa sheegay in falka uu ku kacay Amb, Francisco Madeira uu yahay mid ka baxsan anshaxa Midowga Afrika.
Sidoo kale xdilhibaan xidig ayaa sheegay in dhawaan ay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera.