Somali News

Jubbaland oo war ka soo saartay ciidamada Kenya ee ka baxay Gedo.

Kismaayo-KNN- Maxamuud Sayyid Aadan  Madaxweyne ku xigeenka 1 aad ee Maamulka Jubbaland  oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay Ciidamada Kenya ee ka baxay deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in Maamaamulka Jubbaland uu aad ugu xun yahay ciidamada Kenya ee ka baxay deegaanka Faxfaxdhuun ee Gobalka Gedo,   islamarkaana waxaa uu tilmaamay in shacabka xilligan ay cabsi badan ay soo wajahday, taasi ayuu sheegay in ay dhibaata la kulmi karaan shacabka.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland ayaa waxaa uu Dowladda dhexe iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay xal u helaan shacabka ku dhaqan deegaanka Faxfaxdhuun ee Gobalka Gedo, isagoona sheegay in shacabkaasi ay dhibaatooyin badan kala kulmi karaan dagaalamayaasha Al-shabaab ee deegaankaasi la wareegay.

Halkan ka dhageyso