Sports

Jurgen Klopp oo u dhaqaaqaya Paulo Dybala si uu badal ugu noqdo Philippe Coutinho.

Muqdisho-KNN-Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhaqaaqayo adeega weeraryahanka Juventus Paulo Dybala isagoo aaminsan inuu yahy badalka ugu fiican ee Philippe Coutinho.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa Anfield kaga soo dhaqaaqay Barcelona bishii Janaayo, Reds ma aysan maalgelinin bedelka tooska ah ee suuqa kala iibsiga.

Inkastoo maqnaanshiyaha Coutinho aan la dareemin sababo la xiriira qaab ciyaareedka wanaagsan ee Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane, Klopp ayaa weli la rumeysan inuu raadin doono xiddig qadka dhexe ee weerarka ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mediaset Sport, Liverpool ayaa sheegeysa in Dybala uu yahay ciyaaryahanka saxda ah ee badal u noqon karo wiilokoodii hore  Coutinho, waxaana uu raadin doonaa macalin Klopp inuu heshiis weyn u saxiixo xagaaga soo aadan.

 Xiddiga reer Argentina ayaa qandaraaska udheerayay garoonka Juventus ee  A.Stadium, laakiin warbixintaan ayaa sheegeysa in dalab 110 milyan oo ginni ah ay ka dhaadhicin karto Bianconeri inay lacag kaash ah ku iibsato siqandaraaskaas oo soo afjaro.

Liverpool ayaa 146 milyan ginni ku heshay Coutinho bishii Janaayo, waxaana lagu soo iibsaday 75 milyan oo ginni oo ay ku iibsatay Virgil van Dijk, kaasoo kaga soo biiray Southampton.

Qalinkii:Aadam Aqyaar