Sports

Jurgen Klopp “wax fursad ah uma hayno kooxaha doonayo Salah”

Muqdisho-KNN-Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay inaysan jirin fursad uu Mohamed Salah uga tagayo Anfield xagaaga suuqa kala iibsiga.

Salah ayaa haatan ku dhow inuu dhamaado xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ee kooxda Merseysid isagoo ka bidhaamaya Anfile, lakiin Real Madrid ayaa ah koox xiisaynaysa xidigan ciyaaryahanka oo dhaliyay 38 gool tartamada oo dhan xagaagn.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay dhici karto suurtogalnimada dalab weyn oo lacag ah, Klopp ayaa meesha ka saaray wixii soo jeedin ah ee in xidiga Masaarida la iibiyo ka hor xilli ciyaareedka soo socda Shir jaraa’id oo uu qabtay 50-sano jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Dadku way i weydiin doonaan inuu baxayo, umana fekeriyo waxan ku kalsoonahay inuu joogi doono xilli ciyaareedka soo socda.

“Dadku waxay qoraan qoraal ku saabsan xidigan, waxaan fursad u heysanaa inaan abuurno mustaqbalkiisa sida hada aan u iftiiminay oo kale.”

Salah ayaa wali ku jira afartiisa sanno ee qandaraaskiisa Liverpool.