Sports

liverpool oo lacag rikoor ah ku doonaysa werner.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorshaynayso lacag rikoor ah oo gaaraysa 87.5 milyan ginni kula soo saxiixatay Timo Werner oo ka imaanaya RB Leipzig xagaaga soo aadan.

22 jirkaan ayaa noqday mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa kubada cagta Jarmalka labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay,isagoo noqday dooqa ​​hore eemacalin Joachim Low ee xulka Germany.

Werner ayaa dhaliyay 18 gool tartamada oo dhan, si uu Leipzig uga caawiyo inay Champions League ku wajahdo Bundesliga xilli ciyaareedkan, taasoo keentay inay xiiso u qabto Liverpool.

wargayska Jarmalka Bild ayaa sheegay in tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu si joogta ah ula xiriiro Werner, waxaana uu diyaar u yahay inuu bixiyo 87.5 milyan ginni marka uu suuqa kala iibsiga furmo.

Heshiiskaan ayaa ka sareeya rikoorka hore ee Liverpool oo ah 75 milyan ginni oo ay bixisay Virgil van Dijk kooxda bishii January.

Liverpool ayaa durbadiiba ogolaatay inay lasoo saxiixato ciyaaryahan Leipzig dhamaadka xilli ciyaareedkaan, iyadoo Naby Keita uu qalinka ku duugay heshiis uu ugu biirayo xagaaga soo aadan kooxda anfil ku ciyaarta.