Muqdisho-KNN-Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo helida ciyaaryahanada kala ah, Paul Pogba qadka dhexe ee Manchester United iyo daafaca Real Madrid Marcelo xagaaga January markuu dib u furmo suuqa ciyaryahanada.
Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa soo saartay hadal ay ku dooneyso Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka 2018-19, xidigan oo shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa si lama filaan ah ku yimid kooxda Juventus, si lamida ayay ku doonaysa inay xidigahaas ku keento isla kooxdeeda 1aad.
Xiriirka macalin Jose Mourinho iyo Pogba ayaa lafahansanyahy inuusan wanaagsanen iyadoo lasheegayo inuu xiiseenayo inuu dib ula midoobo kooxdiisii hore ee Juventus, halka Marcelo la fahamsan yahay inuu xiiseynayo inuu la kulmo saaxiibkiis Ronaldo si uu uga garab ciyaaro markale.
Wargeyska Tuttosport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in madaxda sare ee Juventus ay isha ku hayaan labadan ciyaaryahan in xagaaga 2019 iyagoo doonaya inay dhisto qaab ciyaareedkooda si uu usii wanaagsanaado.
Inkastoo lafahansanyahy Pogba inuu diiday inuu ka tago Old Trafford isagoo mustaqbalkiisa wali si dhab ah loo cadeen, dhanka kale Marcelo ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Madrid ilaa dhamaadka mustaqbalkiisa ciyaareed.